Sawirro: Sida looga baroordiiqay guud ahaan UK
Tan iyo markii la shaaciyey warka ku saabsan geerida Boqoradda Elizabeth II, oo ahayd Boqoraddii ugu xukunka dheerayd ee Britain, guud ahaan shacabka UK waxay billaabeen iney ubaxyo dhigaan agagaaraha qasriga si ay boqoradda ixtiraam ugu muujiyaan.

Xigashada Sawirka, Samir Hussein/Getty Images
Qasriga Buckingham waxaa isugu yimid kumannaan shacab ah si ay ubaxyo u dhigaan qasriga hortiisa isla-markaana ay sawirro uga qaataan guriga ay Boqoradda degganeyd oo calanka dul babbanayo kala bar hoos loo dhigay.

Xigashada Sawirka, Reuters

Xigashada Sawirka, Tom Pilston

Xigashada Sawirka, Tom Pilston

Xigashada Sawirka, Ben Stansall/Getty Images

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraal muujinaya geerida Boqoradda waxaa lagu dhajiyey albaabbada qasriga laga galo.

Xigashada Sawirka, Tom Pilston
Boqoradda ayaa galabnimadii Khamiista si nabdoon ugu geeriyootay Balmoral Castle, halkaas oo inta badan waqtigeedii xagaaga ay ku qaadatay dadkuna waxay billaabeen iney qasrigeeda ay ubaxyo dhigaan.

Xigashada Sawirka, Russell Cheyne / Reuters
Boqoradda waxay ugu jecleyd oo wakhtigeeda ugu badan ku qaadan jirtay guriga Windsor castle. Dadka deegaankana waxay u arkayeen iney deris la tahay.

Xigashada Sawirka, Jonathan Brady/PA

Xigashada Sawirka, Chris Jackson/Getty Images
Daqiiqad ayaa loo aamusay ciyaarta kubadda cagta oo garoonka Londin ku dhex mareysay West Ham United iyo FCSB.

Xigashada Sawirka, Peter Cziborra/Reuters
Qof ka mid ah dadka deriska la ah qasriga Holyroodhouse ee Edunburg, waxay afaafka dhismaha dhigeen ubax ay ku muujinayaan muragada iyo ixtiraamka ay Boqoradda u hayaaan.

Xigashada Sawirka, Jane Barlow/PA

Xigashada Sawirka, Carl Recine/Reuters

Xigashada Sawirka, Carl Recine/Reuters
Muraayad weyn oo bartamahamagaalada London ku taalla ayaa lagu soo bandhigay sawrika boqoradda oo weyn kaasoo soo jiitay dadka goobtaasi ka agdhaw.

Xigashada Sawirka, Reuters












