Dhegeyso: Booliiska Mareykanka oo baarayaa labo masjid oo lagu gubay Minneapolis
Published
Laamaha ammaanka ee Maraykanka ayaa baaraya dab la qabadsiiyay laba masaajid oo ku yaalla Minneapolis. Hogaamiyayaasha Muslimiinta Minnesota ayaa sheegay in falkaas aan la dhayalsan karin oo ay tahay in si buuxda looga sal gaaro.
Ma aha markii ugu horreysay ee weerar lagu qaado goobaha ay Muslimiinta ku cibaadeystaan ee Maraykanka. Jeylaani Maxamed Xuseen oo ah guddoomiyaha hay'adda u doodda xuquuqda Muslimiinta Mareykanka ee CAIR, ayaa BBC-da uga warramay sida ay wax u dhaceen: