Doorashada Mareykanka 2020: Sarkaal Jamhuuri ah oo ka digay in Trump uu qulqulatooyin kicinayo
Sarkaal dhanka doorashooyinka u qaabilsan gobolka Georgia ee waddanka Mareykanka ayaa waxa uu sheegay in Madaxweyne Trump uu qaadi doono mas'uuliyadda wixii qulqulata ah oo ka dhasha eedaha aanan loo meeldayin ee uu ku andacoonayo in doorashada lagu shubtay.
"Xaalku faraha ayuu ka baxay," Gabriel Sterling ayaa ka digay. "Waa in la joojiyaa!" Waxa uu sheegay Gabriel Sterling ayaa mar uu Talaadadii hadlayay waxa uu sheegay inay jiraan gooddis iyo hanjabaad dil oo loo diray dad ka shaqeynayay doorashada.
Georgia ayaa waxa ay dib u tirinaysaa codadkii doorashada kaddib codsi ka yimid kooxda Trump. Joe Biden ayaa gobolkaas muhiimka ah waxaa lagu dhawaaqay inuu si dirqi ah ugu guulaystay codadkii la dhiibtay.
Tirinta labaad ayaanan muujin wax isbadel ah oo wayn, Xoghayaha gobolka Georgia Brad Raffensperger, oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa sidaasi sheegay Arbacadii. Waxa uu sheegay in aanan la helin wax caddaynaya inay jirtay ku shubasho baahsan arrintaas oo haddii ay soo bixi laheyd taageeri laheyd sheegashada Mr Trump.
Goor sii horraysay afhayeenka kooxda u ololaynaysa Trump, Tim Murtaugh, ayaa sheegay in kooxdiisa ay isku dayayso inay xaqiijiso "in la tiriyo dhammaan codadka sharciga ah oo aanan la tirin dhammaan codadka sharci-darrada ah".
"Waa inaanan qofna loo hanjabin ama aanan wax qulqulato ah la samayn, haddii ay dhacdayse, si buuxdo ayaan u cambaaraynaynaa," ayuu yiri.
Codsiga ka soo baxay gobolka Georgia ayaa yimid kaddib markii Xeer Ilaaliyaha Guud ee Mareykanka William Barr uu sheegay in wasaaradda cadaaladda aanay illaa hadda heli wax caddayn ah oo taageeraya sheegashada madaxweynaha ee ah in lagu shubtay doorashada - taas oo ah dhabarjabkii ugu dambeeyay ee soo wajahay dacwadihii dhanka sharciga ee ka gudbiyay dhowr gobol oo dalkaas ku yaal.
Georgia ayaa sidoo kale bisha Janaayo waxaa ka dhici doona laba doorasho oo ku celis ah, taas oo dhinac u ridi doonta cidda maamuli doonta Aqalka Senate-ka.
Xisbiga Jamhuuriga ee Mr Trump ayaa haatan aqbaliyad aan badnayn ku hoggaaminaya aqalka sare, guul ay ka gaaraan doorashada ku celiska ahna waxa ay u sahlaysaa inay koontoroollaan maamulka Dimuqraadiga ee Madaxweynaha la doortay Biden.
Sikastaba xaalku ha ahaadee, haddii Dimuqraadiyiintu ay ku guulaystaan labada kursi ee harsan, waxa ay gacanta ku dhigi doonaan kala bar kuraasta Senate-ka iyadoo madaxweyne ku xigeenkana ay u suurageli doonto inay dhinac u riddo codka.
Dimuqraadiyiinta ayaa waxa ay hore u maamulayeen aqalka hoose - Golaha Wakiillada.
Yaa loo hanjabay?
Shir jaraa'id oo uu Talaadadii ku qabtay magaalada Atlanta, ayuu Mr Sterling, ku sheegay in maareeyaha fulinta ee hannaanka codbixinta ay dhalleeceeyeen saaxiibadii Jamhuuriga, oo uu madaxweynuhu ku jiro.
Waxa uu sheegay in qof qandaraasle ah oo ku sugnaa Deegaanka Gwinnett ay baacsadeen kooxaha garabka midige isagoo la soo gaarsiiyay hanjabaad dil ah. Qoyska ninkaas ayaa sidoo kale la dhibay, Mr Sterling ayaa intaas ku daray.
Ninka aanan la magacaabin ayaa loo hanjabay waxaana lagu eedeeyay inuu khiyaano qaran galay, Mr Sterling ayaa sidaas sheegay, kaddib markii uu xafiis kale u gudbiyay warbixin ku saabsan xirmooyin warqadaha codbixinta oo la galinayay kumbuyuutarka deegaanka si ay ugu suuragasho inuu akhriyo.
Mr Sterling ayaa sheegay in isaga laf ahaantiisa ay gurigiisa boolis ilaaliyaan, halka xaaska Xoghayaha gobolka Georgia, Brad Raffensperger, "taleefanka laga dhibayay oo loo soo gudbinayay hanjabaado galmo".
"Mudane madaxweyne, ma aadan cambaarayn falalkaas ama luuqaddaas," ayuu ku daray Mr Sterling. "Senatarraday, maadan cambaarayn falalkaas ama luuqaddaas.
"Waa inaynu tallaaba qaadnaa oo haddii aad doonaysid inaad hoggaan noqotid, taas waa inaan kaa arkaa!"
Waxa uu intaasi ku daray: "Hanjabaadda dilka, hanjabaadda waxyeellada sakhsiga, gooddiga, waa ay badan yihiin, sax ma ahan, wax badan ayaana ka khaldan dadka waxaas ku dhaqaaqaya."

Muxuu Trump ku jawaabay?
Madaxweyne Trump ayaa arrintaas ka jawaabay oo waxa uu dadka la sii wadaagay muuqaalka hadalka Mr Sterling, hasayeeshee ma uusan soo hadal qaadin walaaca ah cabsida qulqulatooyinka dhici kara.
Taa badalkeedana waxa uu sii laba laabay eedihiisa ah in doorashada lagu shubtay, isagoo yiri: "Doorasho lagu shubtay. Soo saara saxiixyada iyo bashqadaha. Soo bandhiga codka sida baahsan loogu shubtay ee Georgia."
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan

Markaas ka hor iyo wixii ka dambeeyayba waxa uu diray farriimo badan oo isla mowduucaas uu uga hadlayay, iyadoon wax caddayn ah oo lagu kalsoonaan karo uusan soo raacin.
Waxa uu dadka la wadaagay warar aan la hubin oo ku saabsan mishiinno yaal gobolka Georgia, waxa uu ku andacooday in Mr Biden uu guul ka gaaro Arizona ay aheyd "wax aan suuragal ahayn", natiijooyinkii Nevada "been abuur" ayey ahaayeen, sidoo kale waxa uu ku andacooday iyadoo uusan wax caddayn ah soo raacin "Waxaynu wax badan ku guulaysannay Michigan!"














