Saadaq Joon: Saddex arrimood oo ku saabsan Sarkaalkii isku dayay inuu joojiyo "muddo kororsiga" hadana xildhibaanka noqday

Saadqa Joon

Xigashada Sawirka, SOONA

Published

Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ka bilaabatay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, waxaana xildhibaannada ku soo baxay ka mid ah Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo ay wada tartameen Cabdullahi Xersi Diirshe. Sadaq ayaa waxa uu helay 81 cod halka Cabullaahina uu helay 17 cod.

Kurisiga uu haatan ku guuleystay Saadaq Joon ee HOP#248 waxaa horey ugu fadhiyey Xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon.

Haddaba waxa ka ogow 3 qodob oo ku saabsan Saadaq Joon.

1: Kulankii madaxweyne Farmaajo iyo Saadaq Joon

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmajao iyo Janaraal Saadaq Cumar Xasan 'Joon' ayaa 7-dii bishan Janaayo ku kulmay xarunta madaxtooyada Soomaaliya sideed bilood kadib markii uu madaxweynaha ka xayuubay janaraalka dhamaan darajooyinkiisii ciidan.

Sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa markaasi BBC-da u sheegay in kulanku uu yimid kadib codsi ka yimid Janaraal Saadaq Joon oo ku sugnaa magaalada Muqdisho. Qof kale oo u dhaw Saadaq Joon ayaa sidoo kale inoo xaqiijiyay kulankaasi.

Sarkaalka madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale markaasi sheegay in kulanka madaxweyne Farmaajo iyo Janaraal Saadaq Joon uu dabo-socdo kulan maalin ka hor dhex maray taliyihii hore ee hay'adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Kulankaasi ka dhacay gudaha garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan ayaa isna noqoday kii ugu horreeyay ee dhexmara Fahad iyo Janaal Saadaq wixii ka dambeeyay markii Saadaq xilka laga qaaday bishii Abriil ee anadkii hore.

Kulankaasi dhex maray Saadaq Joon, Fahad Yaasiin iyo madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay iscafis. Waxaana markaasi la ogaaday in Saadaq Cumar oo saaxiib dhow la'ah madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye 'Qoorqoor' uu yahay murashax u taagan kursiga xildhibaannimo ee haatan uu ku guuleystay.

2: Farriimihii uu diray ee uu ku waayay xilkiisii Taliyaha Gobolka Banaadir iyo darajooyinkiisii ciidan

Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon)

Xigashada Sawirka, SONNA

Qoraalka sawirka, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon)

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa darajooyiinka ciidan ka xayuubiyay Saadaq Joon, taliyihii booliska Gobolka Banaadir ee xilligaasi. Sidoo kale wuxuu ka qaaday dhammaan xuquuqdii ciidan ka dib markii uu soo saaray amar uu sheegay inuu in uu is hortaagay oo hakiyey kulankii baarlamaanka ee bishii Abriil ee sannadkii hore.

Farriintii Booliska uu xilligaasi u diray

Taliyaha xilka laga qaaday, Saadaq ayaa sheegay in masuuliyadda booliska ay tahay in ay nabadgelyada sugaan.

"Booliska Soomaaliyeed waxaa saaraan masuuliyad, khaasatan midka gobolka Banaadir waxaa saaran masulliyad ka weyn mid shakhsi - oo ah mid ciidan oo u baahan in aan xallinno wax kasta oo nabadgelyo darro u keenaya gobolkaan", ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray: "Sidaa darteed maanta, ma doonayno in qalalaase ka dhaco magaalada Muqdisho ama gobolka Banaadir. Ma doonayno in dib dambe uu u soo laabto dagaal iyo aragti kala duwanaansho xabbad wadata oo aan u qalmin in ay qaranka Soomaaliyeed dib ugu soo laabato."

"Barlamaanka Soomaaliya waxaan ka hakinnay kulankii ay lahaayeen", ayuu ka sheegay hadal uu jeediyay Saadaq Joon.

Farriintii Xildhibaannada

Saadaq ayaa xildhibaannada faray in ay xasaanad sax ah raadsadaan oo ku noqdaan degaannadoodii, saga oo sheegay in aysan qayb ka noqon in qalalaase uu dalku galo.

"Waxaanu u hakinay kullanka in loo baahanyahay in wax boob ahi aanu dhicin oo is fahan siyaasadeed la gaadho".

"Baarlamaanka Soomaaliya na waxaan leeyahay afar sanno ayaad joogteen. Waa la idin soo doortay, doorasho na dib ugu laabta. Dadkii idiin soo doortay kalsooni dib u soo weydiista."

"Kadib imaada idinka oo xalaal ah. Shan iyo toban bilood oo la korodhsado oo dib inoo dhiga 15 sannadood ma doonayno, waxaa loo baahn yahay in masuuliyada wadareed la qaato", ayuu yiri.

Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon)

Xigashada Sawirka, Saadaq

Farriintii Raysal Wasaaraha uu diray

Raysalwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka mid ahaa dadkii sida gaarka uu farriinta ugu diray Saadaq Joon. Wuxuu faray in uu guto masuuliyaddiisa raysalwasaarennimo.

"Ra'iisul Wasaaraha waxaa ka codsanayaa ama u sheegayaa in wadanka mas'uuliyadiisa uu qaato, dadka is diidan oo wax kala xoogaya haku celiyo teendhada, shirkii ayaa furan, nabad ayaa furan, waxaan u baahannahay siyaasad mideysan."

"Siyaasiyiin haddaa tihiin in aad dantiina danta qaranka ka hormarisaan, looma baahna in aad hub isu uruursataan, haddaydaan caqli hayna, awoodda ciidanka iska leh."

"Doorasho ayaa loo baahan yahay. Mudane raysalwasaare masuuliyaddaada qaado. Uma baahna in aad meel fadhiisato oo wax lagu meeriyo. adigu waa in aad wax meerisaa," ayuu yiri.

Saadaq ayaa sida oo kale sheegay in uu jawaabta ka sugayo Ra'iisul Wasaaraha oo keli ah ee aanu cid kale ka sugaynin.

Farriinta wasiir Dubbe

Ugu danbeyn farriinta u danbaysa wuxuu u diray Wasiir Cismaan Abokor Dubbe, oo ah wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya.

Wuxuu yiri: "Wasiir Dubbe dadkaaga waxaan ku leeyahay dadkaaga dhinac ka raac, wax dambe oo laguu soo dhiibay ha akhriyin. Waxaad akhridaa wixii dalka dan ugu jirto, waxaad samaysaa wixii dalka dan ugu jirto."

3: Wax ka baro Saadaq Joon, taliyihii hore ee booliska Gobolka Banaadir haddana noqday xildhibaanka?

Saadaq Joon, oo magaciisa oo saddexan yahay Saadaq Cumar Xasan ayaa sanadkii 1980-kii ku dhashay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Sanadkii 1998-kii ayuu ka tagay Soomaaliya. Waddanka Kenya ayuu ku sugnaa ilaa 2002-dii, kaddibna waxa uu tagay dalka Koonfur Afrika, halkaasoo uu muddo kaddib ugasii gudbay magaalada London ee waddanka UK.

2013-kii wuxuu noqday qunsulkii Soomaaliya ee London, sida uu Saadaq John qudhiisa u sheegay BBC-da.

Waxa uu soo bartay arrimaha diblomaasiyadda, amniga iyo sirdoonka. Markii dambe waxaa loo soo wareejiyay qaybta xog aruurinta iyo qoraalka xogaha ee hay'adda NISA. Saadaq John wuxuu markaas kaddib noqday madaxa amniga ee xarunta hay'adda sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka.

Taliyihii hore ee haayadda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe, oo ay soo wada shaqeeyeen muddo dheer Saadaq Joon ayaa ku qeexay in uu yahay nin hawl kar ah, oo shaqadiisa sida ugu habboon uga soo baxa.

"Waa nin aaan saaxiib ahayn oo aan si dhaw usoo wada shaqaynay laga soo bilaabo London, tan iyo intii aan madaxda u ahaa. Waa nin aan u xushay geesinnimo, hawlkarnimo, hawsha aad u dirtana ka soo dhalaali kara. Waa nin madaxda ka sarraysana daacad u ah shaqada aad u dirtana aan qabyaynaynin, go'aan qaadashadiisuna fiicnayd"

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhawr jeer Warbaahinta ka weeraray Saadaq Joon, waxaana xusid mudan in muddo ka hor uu Dowladda Turkiga ku dhaliilay laba wajiilenimo, ka dib markii ay billad sharaf guddoonsiiyay Saadaq John, oo uu ku eedeeyay gacan ku dhiigle dilay shan ka mida ilaaladiisa, xilligaas oo la weeraray hoygiisa.

Saadaq ayaa lagu beddelay taliyihii ciidanka Harimacad, Farxaan Qaroole oo noqonaya Taliyaha cusub ee ciidanka booliska ee gobolka Banaadir.